LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

CABDULLAAHI BINU MASCUUD








Cabdullaahi Binu Mascuud 



ibnu mascuud waxa uu ahaa saxaabigiiugu horeeyay ee la hajra aqriska quraanka 

Ibnu mascuud waxa uu dhashay 594 ee miilaadi waxa uu ku dhashay magaalada makka.

aabahiisa waxa lagu magacaabi jiray mascuud bin gaafil 

hooyadiisa waxa lagu magacaabi jiray  umu cabdi binti cabdi wud .

xaaskiisa waxa lagu magacaabi jiray zeynaba binti abii mucaawiya .

wuxa uu dhintay ibnu mascuud sanadii 32aad ee hijriyada waxa uu ku dhintay magaalada madiina.

ibnu mascuud binu gaafil bin xabiib oo ku nisbo sheegto reer sacad bin hudeyl bin mudrika hooyadiisa waxa ee aheyd reer banii zuhra waxa uu ku barbaaray magaalada makka , mar walpa waxa uu u raaci jiray ariga reer makka .

ibnu mascuud waxa uu ahaa shaqsigii lixaad ee so islaama , qisada uu ku islaamay waxa ee aheyd  

maalin aya waxa so ag maray ibnu mascuud asigo ari la jira ABUUBAKAR RC iyo NEBIGA SCW 

waxa ee weydiisteen caano ee cabaan , cabdullaahi ibnu mascuud aya ugu fal celiyay inay amaano ku yihiin agtiisa cidna uu ka waraabin karin , nebiga  scw  ayaa ka dalbaday inu u keeno lax  aan wali oorka boodin , marka uu keenay candhada ayu ka masaxay caanaba ka imaaday weel aye ku listeen asiga iyo abuubakar wey cabeen , cabdullahi ibnu mascuud ayaa yaabay  , wuxuuna ku dhahay i bar hadalkaan fiican " quraanka "  nebiga scw aya ugu jawaabay waxa tahay cunug wax la baray .

maalinkaas wixii ka dambeeyay ibni mascuud wuu iska daayay qoosarnimada wuxuuna u go'ay u khidmeenta rasuulka scw , mana ka hari jirin safar iyo nagaasho .

hooyadii iyo walaalkiis ayaa ayagana qaatay diinta islaamka .

Tani waa hor u dhacii sheekadii uu ku soo islaamay cabdullaahi ibnu mascuud .

sida uu wiilkii yaraa u jeclaadeyn  rasuulka scw iyo saaxiibkiisa abuubakar sadiiq iyagoo aad ula dhacay amaano dhowridiisa go'aankiisa adkaa , waxaayna ogaaden inuu yahay wiil kheyr  qaba .

cabdullaahi ibnu mascuud waxa uu u qaadi jirsay rasuulka scw cadeyga iyo usha qolka uu doonaayo  inu galo asiga ku hormari jiray  inta uusan galin rasuulka scw .

wuxu ku barbaaray guriga rasuulka scw wuxu uu noqday xoghayihii rasuulka scw .

rasuulka scw aad ayuu u jeclaan jiray cabdullaahi ibnu mascuud , wuxu u fasaxay in uu uso galo xiliga uu jecleysto cabdullaahi ibnu mascuud , wuxu ka loo u fasaxay rasuulka scw inuu is dul istaago siraha nabiga scw asiga uusan rasuulka arrinkaas dhibsan ,dhinaca kale aan ka cabsan wax dambi ine kaso gaari doonto ugu dambeyntii waxa loo bixiyay xoghayihii rasuulka scw .

ibnu mascuud wuxu nabiga ka qaaday cilmi aad u badan 848 xadiis ayuu ka wariyay nebiga scw wuxu ka mid ahaa dadka diinta loogu noqdo gaar ahaan quraanka iyo tafsiirkiisa , wuxu dhahay ibnu mascuud rasuulka ayaan ka qaatay afkiisa dhowr iyo todobaatan suurad mar kale wuxu afkiisa ka dhahay ilaahey baa ku dhaartay majirto suurad kitaabka alle kamida aanan ogeyn meesha ee kuso dagtay aayadna maso dagin ilaa waa ogahay sababta ee uso dagatay cabdullaahi ibnu mascuud waxa uu lahaa cod aad u macaaan , maalin aya rasuulka scw ka dalbaday inu ku dul aqriyo suuratu Al Nisa  , 

ibnu mascuud aad buu uyaabay waxa uu dhahay see kugu aqriyaa adigaaba lagugu so dajiyay .

Post a Comment

0 Comments